Eedeysane ay boolisku raadinayeen oo isa soo dhiibay

0
557

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay inuu laamaha amniga isku soo dhiibay eedeysane lagu magacaabo Dickson Njanja Mararo oo lagu raadjoogay.
Ninkan ayaa loo haystaa inuu dhawaan toogasho ka gaystay goob lagu caweeyo oo loo yaqaano Quiver Lounge oo ku taalla deegaan baarlamaneedka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Falkan ayuu ku kacay habeenimadii ay Sabtidu soo galaysay waxaa uuna dhuumaaleysanayay tan iyo xilligaasi.
Mararo ayaa tagay xarunta dhexe ee dambi baarista isagoo uu wehelinaya qareenkiisa Cliff Ombeta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in hadda baaritaano dheeraad ah lagu sameynaya si loo xaqiijiyo sababta keentay inuu toogto labo boolis iyo haweeney rayid ah.
Saraakiisha ammaanka ayaa intaa ku daraya in eedeysanaha laga qaaday bastoolad uu adeegsaday iyo 38 xabbo oo rasaas ah.
Saraakiisha booliska ee uu toogtay ayay dhaawacyo ka soo gaareen gacanta iyo qoorta halka haweeneyda ay rasaastu kaga dhacday caloosha.