DHAGEYSO:Askari ka tirsan booliska Soomaaliland oo wiil arday ah toogtay

0
315

Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa waxay sheegayaan in Wiil Arday ahaa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur waxna ka baranayey jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama uu toogtay askari ilaalo ka ahaa jaamacadda ka dib markii sida la sheegay ay murmeen.
Sida uu warbaahinta u sheegay maayarka magaalada Boorama Maxamad Axmad Warsame, toogashada ayaa ka dhacday ilinka hore ee laga galo jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama oo uu ku sugnaa askarigu.
Ardayga la toogtay ayaa la sheegay in teleefoon uu ku soo ilaaway gudaha jaamacadda, ka dibna uu dib ugu laabtay jaamacadda si uu teleefoonka u soo qaato balse waardiyihii jaamacadda ayaa u sheegay inaan la geli karin jaamacadda oo uu dhammaaday waqtigii waxbarashada, muran ka dibna uu sidaas ku toogtay.
Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa Gacanta ku haya Askarigii falkan toogashada ah gaystay sida ay xaqiijiyeen maamulka magaalada Boorama iyo Maamulka Jaamacadda Camuud ee Magaaladaasi.
Maamulka Gobolka Awdal,kan degmada Boorama iyo Maamulka Jaamacada Boorama ayaa u tacsiyadeeyay Qoyska uu Inaanku ka Geeriyooday.

Dhanka kale maayarka magaalada Boorama ayaa beeniyey warar la isla dhex marayey oo sheegayey in ardayga loo toogtay inuu xirnaa calanka Soomaaliya iyo sidoo kale wararka kale ee sheegayey inuu jiro dhaawac soo gaaray dhalinyaro kale oo la socotay wiilka dhintay.