Illaa 140 arday ayaa la la’yahay ka dib markii rag hubeysan ay weerareen iskuul boodhin ah oo ku yaal gobolka Kaduna ee wadanka Nigeria Isniinta maanta.
Booliska ayaa sheegay inay ku daba jiraan ragii afduubka gaystay iyaga oo ay wehelinayaan militirga Nageria.
Weerarkan afduubka ah ayaa noqonaya kii 10-aad ee dad badan lagu afduubto tan iyo bishii Diseembar waqooyi-galbeed Nigeria, oo ay mas’uuliyiintu u aaneeyeen burcad hubeysan oo doonaya madax-furasho lacageed.