Ciidamadda Maraykanka oo ka baxay saldhig ay ku la hayeen dalka Afghanistan

0
470

Cidamada Maraykanka ayaa maanta ka baxay saldhigoodi ugu waynaa ee ay kaga sugnayeen wadanka Afghanistan sida ay sheegtay waaxda diifa maraykanku.
Sargaal sare oo u hadlay waaxda difaaca maraykanka waxaa uu xaqiijiyay in ay cidamada maraykanka iyo kuwa gashaan buurta Nato ee ku sugnaa saldhiga cidamadda cirka ee Bagram, ay soo farujiyeen balse waxaa uu dhanka kale ka digay in xaladu kasii dari karto kadib ka bixi taankooda wadanka Afghanistan.
Saldhigan oo ciidama maraykanka ee ku sugan afghanistaan ay adeeg sanayeen mudo 20-sano ah ayaa u qabilsanaaa isku duba ridka weerarada dhinaca cirka iyo saadka.
Afhayeen u hadlay kooxda Talibaan, oo lagu magacabo Zabihullah Mujahid, waxaa uu bogaadiyay talaabada ay qaaday Washington, ee cidamadeeda ay ka gala baxday saldhigaasi isaga oo qiray muhimada ay leedahay cidamadda ajaanibata ah ee ku suagan Afghanistan, oo ka baxa guud ahaan dalkaasi in ay gacan ka gaysan karto nabad iyo xasilooni buuxda oo ka hir gasha dalkaasi.
cidamada maraykanka ee ku sugan dalkaasi ayuu qorshuhu yahay in ay ka soo baxan ka hor 11-ka bisha September sida uu shaaciyay madaxwaynaha maraykanka Joe Biden.
In ka badan 2,300 oo askar maraykan ah ayuu galaaftay dagaalka Afghanistan 20-ki sano ee uu socday.