Al-Shabaab oo la wareegay degaan ay banneeyeen ciidanka Galmudug

0
792

Dagaalyanaho ka tirsan Al-shabaab ayaa la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud sida ay wararku sheegayaan.
Waxaa soo baxaya warar ah in Al-shabaab ay dagaal la’aan kula wareegeen tuulada Af-Cagaag oo qiyaastii 16km u jirta degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan arrintaasi.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in degaanka ay ku sugan yihiin Al-shabaab, waxaana horay isaga baxay Cidamada Galmudug oo halkaas ku sugnaa.
Weli maamulka Gakmudug iyo laamaha amniga Gobolka Galgaduud wax war ah kama soo saarin arrintaasi ku aaddan in Al-shabaab ay la wareegeen tuulada Af-Cagaag oo qiyaastii 16km u jirta degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud