Kenya oo loogu deeqaya 1.6 milyan oo ah tallaalka COVID19

0
467

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in Kenya ay heli doonto 1.6 milyan oo ah daawooyinka tallaalka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Pfizer.
Waxaa daawooyinkan xanuunka looga tallaali doonaa 800,000 oo Kenyaan ah.
Mr.Kagwe ayaa xusay in dalka la soo gaarsiin doono 500,000 oo ah kuurooyinka ama doseeska daawada Johnson & Johnson single si loogu tallaalo 500,000 qof oo dheeraad ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Kenya ay horay u dalbatay 13 milyan oo ah daawooyinka tallaalka ee shirikadda Johnson & Johnson oo lagu wado in la keeno bisha soo socoto.
Go’aanka ay qaadatay wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu amray in ilaa dhamaadka sanadkan cudurka COVID19 laga tallaalo 10 milyan oo qof halka dadka waaweyn oo ay tiradoodu tahay 26 milyan la doonayo inay tallaalka qaataan dhammaadka sanadka 2022-ka.
Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay soo saartay istaraatiijiyad lagu xaqiijinaya in sida habboon loo qaybiyo daawooyinka tallaalka marka ay Kenya kala soo wareegto Maraykanka.
Kenya waxaa ilaa iyo hadda cudurka COVID19 lagaga tallaalay 1,447,648.
Arrinkan ayuu ka hadlay xilli uu maanta tagay ismaamulka Meru .
Waxaa uu halkaasi si rasmiga ah uga furay qaybta agabka bukaanka ka caawiyo neef qaadashada o lagu dhisay 35 milyan oo shilin.
Wasiirka ayaa sidoo kale furay xarun gaar ah oo lagu sifeeyo killiyaha iyo qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da oo qaadaysa 6 sariir.