Dowladda dalka Itoobiya ayaa gobolka waqooyi ee Tigray kaga dhawaaqday xabad joojin.
Tani ayaa timid ka dib markii fallaagada ay dib ula waregeen magaalada ugu wayn gobolkaasi ee Mekelle.
Waxaa Tigray ku dhawaad 8 bilood ka socday dagaallo ay qaramada midoobay sheegtay in ay macluul qarka u saareen nolosha 350,000 oo qof.
Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa dhankiisa sheegay inuu xaaladda jirta kala hadlay ra’iisul wasaare Abiy Axmed sidaas awgeedna uu rajeynayo in colaadda xal loo heli doono.