Waxaa Maanta Maalintii labaad gelaya Shirka Golaha wdatashiga doorashooyinka , kaas oo shalay Madaxda uga furmay Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah.
Kulankii shalay ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooyinka, waxyaabaha qabsoomay, horumarrada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shirka uga qeyb galay Aalada muuqaal aragga fog ee ZOOM, ISAGA OO KU MAQAN DALKA Turkiga ayaa la filayaa in uu Maanta Muqdisho kusoo laabto kuna biiro Shirka.
Maanta ayaa markale uu kulanka halkaasi ka sii socon doonaa, waxaana Maanta la filayaa inay Kulanka qeyb ka noqdaan Guddiga gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Rooble u xilsaaray arrimaha doorashada, kuwaas oo Warbixino looga dhageysan doono.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in Madaxda ay sidoo kale sii amba qaadi doonaan sababta keentay in madaxda ay shiraan, taas oo ku saabsan dib u eegis lagu sameyn doono qodobada qaar ee heshiiskii doorashada, sida qodobka ku saabsan labada Goobood ee loo asteeyay Maamul walba in lagu qabto doorashada.
Shirka Golaha wadatashiga doorashaooyinka ayaa waxaa la filayaa inay madaxda heshiis ku gaaraan, isla markaana marka u soo gaba-gaboobo ay kasoo saaraan Warmurtiyeed ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobada shirka Maanta looga hadlayo.