Ololaha tallaalka Jadeecada oo maanta la daahfuraya

0
317

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta ismaamulka Kajiado lagu daahfuro olole ka dhanka ah cudurka Jadeecada oo laga fulin doono 22 ka mid ah 47-da ismaamul ee Kenya.
Waxaa barnaamijkan ka wada shaqeynaya wasaaradda caafimaadka ee dalka , hayadda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF iyo kuwo kale.
Dowlad deegaanada ka faa’iidaysanaya ayaa kala ah Garissa, Wajeer , Mandera Baringo, Bomet, Bungoma, Elgeyo, Homabay, Kakamega, Kilifi, Kisii, Kisumu, Elgeyo Marakwet, Migori, Nairobi, Narok, Samburu, Tana River, Trans Nzoia, Turkana, Vihiga iyo galbeedka Pokot.
Ololahan ayaa socon doono muddo 10 cisho ah laga billaabo berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bisha lixaad.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in tallaalka uu yahay mid si lacag la’aan ah carruurta loo siinaya.
Waxay intaasi ku dartay in muddo hal sano gudihii ah kiisas la xiriira cudurka jadeecada laga soo tabiyay ismaamullada Mandera, Wajeer, Garissa, West pokot iyo Tana River .
Waxaa tallaalka lagu bartilmaameedsanayaa carruurta ay da’doodu u dhexeyso sagaal bilood ilaa 5 sano oo tiro ahaan dhan 3.5 milyan .
Barnaamijkan waxaa dowladda dhexe uga baxaya qarash gaaraya 800 oo milyan oo shilin sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Dr. Mercy ayaa intaasi ku dartay in tallaalka ka dhanka ah jadeecada laga bixin doono dhammaan xarumaha caafimaadka ee 22-ka dowlad deegaan.
Sidoo kale waxay sheegtay in ololaha uu soconaya iyada oo si buuxda loo ilaalinaya xeerarka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Dr. Mercy Mwangangi ayaa shaacisay in ugu yaraan 16,000 oo ah howlwadeenada caafimaadka ay tallaalka ka fulin doonaan 5,061 xarumood.
Xarumahan waxaa ka mid ah suuqyada , dugsiyada , kaniisadaha, masaajidda iyo goobaha kale ee ay bulshadu ku kulanto.
Dr. Mwangangi waxay waalidiinta ka codsatay in ay fursaddan ka faa’iidaystaan oo ayna carruurtooda geeyaan goobaha tallaalka.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay in go’aanka la xiriira tallaalka ka dhanka ah jadeecada la qaatay ka dib markii warbixin ay qayb ka ahayd hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO lagu ogaaday in carruurta ku nool 22-ka ismaamul ay halis sare ugu jiraan cudurka.