Waxaa aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo maanta kulan ku yeelan doono madaxweyne Joe Biden iyo dhiggiisa wadanka Afghanistan Ashraf Ghani.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galaya madaxa golaha dib u heshiisiinta ee dalka Afghanistan Cabdullah Cabdullah.
Madaxweyne Biden ayaa la filayaa inuu mas’uuliyiinta Afghanistan u xaqiijiyo taageerada ay dowladiisu siin doonto xita ka dib marka ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalkaasi.
Sidoo kale waxaa la rajeynayaa inuu Ashraf Ghani iyo Cabdullah Cabdullah cadaadis ku saaro in ay mideyaan dhinacyada siyaasad ahaan iska soo horjeeda si loola tacaalo weerarrada kooxda Taalibaan.