Wasiirrada maamulka Galmudug oo laga dalbaday inay safarradooda yareeyaan

0
320

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddoomiyey Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Maamulkaas waxaana looga hadlay Qodobo dhowr ah.
Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo uu ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas ayaa Xalay waxaa looga dooday dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha Wasiiradda Galmudug.
Dhinaca kale, wasaaradda Biyaha & Tamarta Maamulkaasi ayaa golaha la wadaagtay xeerka maareynta biyaha halka wasaaradda Beeraha Galmudug laga dhageystay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka uu ayuxu ku hayo deegaanada Maamulkaasi.
Madaxwweynaha Maamulka Galmudug ayaa golaha Wasiirada ka dalbaaday dardargalinta howlaha muhiimka ah ee maamulka oo ay ka midyihiin in wasiirada ay joojiyaan safarrada badan ee ay uga maqan yihiin degaanada maamulka Galmudug.