Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i iyo xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi ayaa maanta kulan la yeeshay hoggaamiyaasha diimeed.
Waxay ka wada hadleen kaalinta mas’uuliyiintan ay ka qaadan karaan wacyigelinta bulshada si loo yareeyo xaaladaha cudurka COVID19 ee gudaha dalka.
Dr. Matiang’i ayaa sheegay in madaxda diimaha ay dowladda garab buuxa ku siiyeen la tacaalidda xanuunka sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in iyadoo ay socdaan howlaha cibaadada la xaqiijiyo in caabuqa corona uusan dadka ku dhex faafin.
Waxaa uu intaa ku daray in dhawaan la soo saari doono wargelin rasmi ah oo muddo xileedka gole-diimeedka iskudhafka ah ee COVID19 loogu sameynaya muddo kordhin ilaa 31-da bisha 12-aad ee sanadkan.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka ayaa dhankeeda sheegtay in xayiraadihii dhawaan lagu soo rogay 13 ismaamul lagu saleeyay in xaaladaha cudurka ay deegaanadaasi ku kordheen in ka badan boqolkiiba 15.