Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha jaamacadaha dalka ee (KUSU) ayaa dalbaday in xilka qaadis lagu sameeyo maamule ku xigeenka jaamacadda Maasai Mara Prof. Mary Walingo
Waxay sidoo kale soo jeediyeen in sida ugu dhakhsiyaha badan shaqada dib loogu soo celiyo madaxa arrimaha maaliyadda ee jaamacadaas Spencer Sankale.
Guddoomiyaha KUSU Dr. Phillip Onyango oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in Spencer si aan cadaalad ahayn shaqada looga eryay ka dib markii uu shaaca ka qaaday fadeexad lagu lunsaday dhaqaalaha xaruntaasi waxbarasho.