Ololaha labaad ee wacyigelinta COVID19 oo la daahfuray

0
346

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo daahfuray ololihii labaad ee dadweynaha looga wacyigelinayo khatarta cudurka COVID19.
Waxaa barnaamijkan beerta Uhuru Park ee magaalada Nairobi ku soo bandhigtay xoghayaha wasaaradda isgaarsiinta Esther Koimett.
Ololahan ayaa dhammaan ismaamullada wadanka ka socon doono ilaa 27-ka bishan lixaad ee sanadkan.
Wacyigelinta oo ay sameynayaan saraakiisha ismaamullada ee dhanka warfaafinta iyo kuwa maamulka ayaa looga gol -leeyahay in sare loogu qaado qaabk ay bulshadu ugu baraarugsan tahay cudurka.
Sidoo kale dadweynaha ayaa lagu boorrin doona in ay qaataan tallaalka lagula tacaalaya caabuqa.
Mr. Oguna ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in bulshada la fahansiin doono muhiimadda ay leedahay u hoggaansanka dhammaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafitaanka xanuunka.
Kenyaanka ayaa si joogto ah loogu sheegi doonaa in ay xirtaan afduubka , in aynan aad isugu dhawaan oo labada qof ay u dhexeyso 1.5 miitir ,in la iska ilaaliyo goobaha ay dadku ku badan yihiin sidoo kalena si joogto ah gacmaha loogu dhaqdo saabuun iyo biyo.
Bishii Shanaad ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii 8 ka mid ah ismaamullada dalka sida Migori, Siaya, Kisumu, Nairobi, Kajiado, Mombasa, Kwale iyo Kilifi laga sameeyay wacyigelintii ugu horreysay ee ka dhan ah COVID19 .
Dowladda ayaa muwaadiniinta ku wargelisay in cid kasta laga doonayo in ay mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saarto badbaadinta nolosheeda iyo si guud bulshada.