Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa isbuucan wado wacyigalin dadwaynaha loogu soo bandhigaya howlaha guddiga sido kalana lagu boorrinaya in ay qaataan kaarka isdiiwaangelinta.
Xuseen Guure oo ah agaasimaha guddiga IEBC xafiiskiisa ismaamulka Garissa ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan kaarka codeynta.
Dhanka kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa ballanqaaday in codeynta sanadka 2022-ka uu u maareyn doono si waafaqsan xeerarka dalka si natiijada ka soo baxdo ay u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.
Shalay ayay ahayd markii IEBC ay soo saartay qorshaha istaraatiijiga ee inta u dhexeysa 2020 – 2024-ka.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee guddigan Marjan Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in ay adeegsan doonaan qorshahan si loogu guulaysto maareynta doorashada guud ee sanadka soo socdo.
IEBC ayaa diiradda saari doonto ilaa 6 qodob sida xoojinta maamulka , xeerarka , habsami u socodka doorashada ,wacyigelinta bulshada iyo in si siman la iskugu dubarido howlaha guddiga.
Mr. Marjan ayaa carrabka ku adkeeyay in guddiga oo xilliga habboon la siiyo dhaqaale ku filan ay kaalin wayn ka qaadanayso dhaqangelinta qorshaha.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa dhankiisa sheegay in aynan jiri doonin qaladaadkii dhanka tiknolojiyadda ee sababay in sanadkii 2017-kii ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ay waxba kama jiraan ka soo qaaday natiijadii doorashada guud.
Waxaa uu Kenyaanka ku wargeliyay in IEBC ay adeegsan doonto keyd dhowr ah oo ay si isku mid ah natiijada ugala socon karaan dadweynaha, musharaxiinta, xisbiyada siyaasadeed iyo qaybaha kale ee daneeya arrimaha doorashooyinka.