Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha dowladda dhexe Dr. Fred Matiang’i ayaa saraakiisha ammaanka ee wadanka u soo jeediyay in aynan awood xad dhaaf ah u adeegsan dadweynaha marka ay fulinayaan howlgallada kala duwan.
Waxaa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay in diyaar garowga ku aaddan doorashada guud ee sanadka 2022-ka si wayn looga qayb geliyo dadweynaha.
Matiang’i ayaa sheegay in muhiimaddu aynan ahayn keliya in la qabto doorasho nabad ah balse mid wax ku ool ah.
Ciidamada ammaanka ayuu ku boorriyay in ay xiriir dhow oo wada shaqeyn ah la yeeshaan shacabka oo aynan ku dadalaan sidii boqolkiiba 50 loo yareyn lahaa adeegsiga awoodda xad dhaafka ah.