Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

0
319

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya ambasador James Swan, waxaana wehlinayay xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka sida;wakiilka Midawga Afrika, iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ku wehlinayay kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada Galmudug iyo Xubno kale.
kulanka ayaa diiradda waxaa lagu saaray dardargelinta Arrimaha amniga, doorashooyinka, baniaadanimada iyo xaalada guud ee Galmudug iyo Soomaaliya.