Aqalka sare ee Faransiiska oo ansixiyay qorshaha howlgabka

0
302

Xubnaha aqalka sare ee Faransiiska ayaa meel mariyay isbeddello uu maamulka madaxweynaha dalkaasi Emmanuel Macron ku sameynaya nidaamka shaqooyinka looga fadhiisto.
Waxaa isbeddelladan oo muran dhaliyay ka mid ah in shaqaalaha dowladda oo horay shaqooyinka uga fadhiisan jiray 62 sano ay hadda ka dib howlgab noqon doonaan marka ay gaaraan 64 sano.
Galinkii dambe ee shalay ahay ahayd markii 195 senetarro ah ay qorshahan codkooda ku taageereen.
Waxaa arrintan ka soo horjeestay 112 xubnood.