Ajit Pawar oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Hindiya

0
394

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Hindiya ayaa waxaa ku dhintay siyaasi caanka ah ee Ajit Pawar oo ah ku xigeenka wasiirka koowaad ee gobolka Maharashtra.
Diyaaradda oo Arbacada maanta ah ka duushay Mumbai, ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Baramati, oo ku yaal deegaanka uu Pawar matalo.
Laba ka mid ah shaqaalaha siyaasigan iyo laba shaqaale diyaaradeed ayaa sidoo kale ku dhintay shilka.
Sababta shilka weli si rasmi ah looma xaqiijin.