Shirkadda Air India Express ee dalka India ayaa shaacisay in ay baajisay ilaa 85 ka mid ah duullimaadyada diyaaradaheeda.
Tani ayaa timid ka dib markii ay xanuunsadeen in badan oo ka mid ah shaqaalaheeda.
Warbaahinta maxalliga ee India ayaa ku warramaysa in howlwadeennada la fasaxay.
Hasa ahaate wararka qaar ayaa sheegaya in ay jirto in shaqaalaha aynan ku qancin xeerar ku saabsan shaqaaleysiinta iyo dallacsiinta oo la soo saaray ka dib markii shirkadda lagu wareejiyay ganacsato khaas ah si loo kobciyo dakhligeeda.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii laga iibiyay Tata Group.