Afhayeenka dowladda oo beeniyay inuu khilaaf ka dhex jiro madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

0
378

Afhayeenka dowladda dhexe ,Isaac Mwaura ayaa beeniyay inuu wax khilaaf ah soo kala dhex galay madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Waxaa uu Mwaura hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay mala-awaal warbaahineed.
Arrintan ayaa salka ku haysa in madaxweynaha dalka William Ruto uu si dadban ugu gacan seyray hadal uu jeediyay ku xigeenkiisa oo ahaa in saami qaybsiga siyaasadeed ee isbeheysiga Kenya Kwanza lagu saleynaya taageeradii loo fidiyay madaxweyne William Ruto.
Gachagua ayaa horay u sheegay sidoo kalena dhawaan carrabka ku adkeeyay inuunan raaligelin ka bixin doonin mowqifkiisa ah in mudnaanta koowaad la siinaya dhinacyadii siyaasad ahaan ula soo halgamay Ruto.
Hasa ahaate madaxweynaha ayaa dhankiisa sheegay in kenyaanka ay u siman yihiin maamulka dowladeed .
Afhayeenka dowladda dhexe Issac Mwaura oo wareysi siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa dhankiisa qiray in marka ay timaaddo xilalka magacaabidda in mudnaan la siinaya shakhsiyaadka fahansan hiigsiga maamulka talada wadanka haya.