Aalado kale oo isgaarsiineed oo lagu qarxiyay Xisbullaah xilli dad badan ay dhinteen

0
463

Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama taleefoonnada gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullaah iskula xiriirayeen, ayaa maalinkii labaad ku qarxay meelo badan oo ka mid ah waddankaasi, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Tani ayaa imaneysa maalin ka dib marki ay ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah dagaalyahannada Xisbullaah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda Pagers-ka oo ah qalab isgaarsiineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullaah ka soo iibsatay dibadda.
Wasaaradda caafimaadka Lebanon ayaa sheegtay, in qaraxyadi shalay dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 ruux oo kale.
Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka caasimadda Beirut iyo dooxada Beqaac.
Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bartilmaameedsatay Xisbullaah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah, ayaa sare u qaadday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu beddesho dagaal dhan walba ah.
Isra’iil si rasmi ah ugama hadlin weerarkan mana sheegan mas’uuliyaddiisa.
Hasa ahatee, wasiirka difaaca ee maamulka Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay, in ay ku jiraan billowga waji cusub oo dagaal.
Ma uusan soo hadal qaadin aaladaha qarxa balse wuxuu ammaanay shaqada ciidamada Israa’iil iyo hay’adaha amniga, isagoo yiri “natiijooyinka waa kuwo aad u cajiib ah.”
Xisbullaah waxay weerarkan ku eedeysay Israa’iil, iyadoo wacad ku martay in ay ka aargudan doonto.