Digniin loo diray shakhsiyaadka lacag ku qaato bixinta tallaalka Covid19

0
460

Dowladda ayaa soo bandhigtay inay jiraan shakhsiyaad la rumeysan yahay inay lacag ka qaatan Kenyaanka doonaya tallaalka Covid19.
Waxaa ay dowladdu sheegtay in tallaalka Covid-19 uu yahay mid bilaash ah oo uusan jirin qof Kenyaan ah oo lagu qasbi karo inuu bixiyo lacag si loo siiyo tallaalka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in qof kasta oo lagu helo isagoo lacag ku qaadanaya tallalka Covid-19 uu wajihi doona sharciga islamarkaana tallaabo laga qaadi doono.
Waxaa uu dadweynaha ku dhiiri geliyay inay soo sheegaan kiisaska noocan oo kale ah oo ay ku wargeliyaan saldhigga booliska ee u dhow ama saraakiisha qaabilsan maamulka.