Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Edward Mbugua ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera ka dib markii la soo weerarray saraakiisha booliska.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawacyo ay soo gaareen ugu yaraan 5 boolis ah oo ay u badan tahay in qaarkood ay u dhinteen.
Mr. Mbugua ayaa warbaahinta u sheegay in falkan oo looga shakisan yahay Al-Shabaab uu aroornimadii hore ee maanta ka dhacay meel u dhow dhanka xadka.
Howlgalka amni waxaa hadda fulinaya ciidamo ka tirsan waaxyo kala duwan.
Ku xigeenka abaanduulaha booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in argagixisada ay la kulmeen khasaaro wayn.
Wixii qodobkan ku soo kordho wararka dambe ee idaacadda ayaad ku dhageysan doontaan.