Maxakamadda sare ayaa si ku meelgaar ah u hakisay in Anne Kananu Mwenda loo dhaariyo guddomiyaha ismaamulka Nairobi tan iyo inta laga dhageysanayo dacwad ay gudbiyeen ururka qareenada dalka-LSK iyo guddiga xuquuqda aadanaha ee KNRC.
Maxakamada ayaa fartay n arrinta loo gudbiyo ku simaha madaxa cadaaladda dalka Philomena Mwilu oo la filayo inay dacwadda u dhiibto ugu yaaran saddex garsoorayaal.
Amarka ayaa imaaday kaddib markii Anne Kananu shalay kala wareegtay ku simaha guddomiyaha ismaamulka Nairobi islamarkaana ah afhayeenka goolaha hoose ee Nairobi Benson Mutura oo xilkan haayay tan iyo markii xasaanadii laga xayuubiyay guddommiyihi hore ee caasimadda Mike Sonko.
Xilli ay saxaafadda la hadashay Ms Anne Kananu ayey shegtay in guddi ay ku guda jiraan hannanka loogu dhaarin lahaa inay noqoto barasaabka ismaamulka Nairobi.
Ku deg degida turxaan bixinteeda, kaddibna ansixinta golaha hoose ee Nairobi iyo dhaarinteeda Jimcihi ayaa waxay dhalisay aragti kala duwan oo Kenyaanka, xisbiyada siyasadeed, qareenada, kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ay su’aal iska weydiinayaan sharci ahaan waxa ay tahay.
Xilka guddomiye ku xigeenka Nairobi loo dhaariyay Anne Kananu ayaa waxay dhalisay dood, waxaana suuragal ah inay ka dhalato dacwad.
Ku simaha guddomiyaha ismamaulka Nairobi Benson Mutura ayaa shalay xafiiska baneeyay taasi oo wadada u xaartay in guddomiya ku xigeenka Nairobi Anne Mwenda ay la wareegto.
Mr Mutura, oo ilaa bishii hore haayay xilkan kaddib markii xilka laga xayuubiyay Mike Sonko ayaa haatan waxa uu dib ugu laaban doona xilkiisa afhayeenka wakiilada golaha hoose ee Nairobi.
Xafiiska guddomiyaha ayaa banaan ahaan doona ilaa laga dhaarinayo Ms. Anne sida la filayo toddobadka dambe.
Anne Mwedna ayaa waxa loo dhaariyay guddomiye ku xigeenka Nairobi toddobadkii tagay.