DHEGEYSO:Wamalwa oo suaal galiyay warbixintii laga soo saaray dhimashada madaxii hore ee militariga dalka

0
338

Hoggaamiyaha Xisbiga Democratic Action Party of Kenya (DAP-K) Eugene Wamalwa ayaa su’aalo ka keenay sababta ay dowladda ugu qaadatay muddo sannad ku dhow inay soo bandhigto natiijada shilkii diyaaradeed ee uu ku dhintay madaxii hore ee ciidamada militariga dalka Jeneral Francis Omondi Ogolla iyo 9 sarkaal oo kale bishii April ee sannadkii hore.
Wamalwa sabtidii shalay eheed ka qayb galay aaska ka dhacay deegaanka Bumula ee ismaamulka Bungoma ayaa dowladda ku eedeeyay inay qarinayso sababtii saxda eheed oo keentay inay saraakiisha naftooda waayaan.
Hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii dowladda ay Jimcihii warbixin kooban ka soo saartay shilkan oo ay gashay diyaarada nooceeda yahay Bell Huey ee lambarka diiwaangellinta KAF 1501 ay ku timid cilad farsamo ee dhanka injinka ah.
Wasaaradda gaashandhigga dalka ayaa warbixinta shaaca uga qaaday in diyaaradda la diyaarinaayay muddo 25 saacadood si loogu hoggaansamo heerarka ugu sarreeya ee badbaadada duulimaadka ee madaxa militariga.