Saraakiisha waaxda la dagaallanka daroogada ee ismaamulka Mombasa ayaa aagga loo yaqaano Magaoni ee deegaanka Msambweni ee ismaamulka Kwale ka soo qabtay Shee Hussein oo lagu tilmaamay shakhsi ka ganacsado maandooriyaha.
Waxay ciidamada howlgalkaasi ku soo heleen ilaa 200 oo garaam oo balwadda xashiishka.
Iyagoo adeegsanaya xog sirdoon ayay saraakiishu gacanta ku dhigeen Xussein oo saarnaa mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha waxayna baaritaan ka dib heleen maandooriyaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ciidamada geeyay gurigiisa halkaasi oo ay ka soo saareen daroogo dheeraad ah.
Tuhmanaha ayaa hadda lagu hayaa saldhigga booliiska ee Kilindini wuxuuna maraya baaritaan dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Dhanka kale , howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen Kabati oo ka tirsan ismaamulka Murang’a ayay ku soo xireen Henry Mburu Njogu, oo kaxeynayay baabuur ay taargadiisu tahay KCP 885G.
Ka dib baaritaan ay gaariga ku sameeyeen ayay ku heleen 21 kaartoon oo xashiish ah.
Mburu ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Muthaiga ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin halka howlgal kale oo laga fuliyay magaalada Usenge ee ismaamulka Siaya lagu soo xiray Francis Odhiambo Ochieng oo isna loo haysto ka ganacsiga maandooriyaha.