Madaxweynaha dalka oo sheegay in 2 bilyan maalinkiiba la lunsado

0
588

Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in 2 bilyan oo shilinka dalka ah laga musuqmaasuqa dowladda maalin walba ayaa dhaliyay aragtiyo kala duwan.
Mr.Kenyatta oo shalay wareysi gaar ah siiyay idaacadaha ku hadla luuqadda Kikuyada , kuwaaso kala ah Gukena, Kameme iyo Inooro ayaa difaacay dhaqaalaha ay dowladda dhexe ku bixinayso qorshaha sharci beddelka ee BBI oo ku dhaw 2-bilyan oo shilinka dalka ah.
Hoggaamiyaha dalka oo wax laga weydiiyay inay habboon tahay in dowladda ay dhaqaale badan ku bixiso sharci beddelka ayaa ku jawaabay in qiimahan lacageed mid ka badan lagu musuqmaasuqa mashaariicda horumarineed.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka ku celceliyay in shakhsiyaadka ka soo horjeeda arrimaha BBI ay ka dhigeen arrin ay isaga ku mucaaradayaan.
Dhanka kale, waxaa uu caddeeyay inuu billaabay qorshihii xilka looga qaaday barasaabkii caasimadda dalka ee Nairobi Mike Sonko oo uu ku eedeyay inuu ku fashilmay u adeegidda dadweynaha Nairobi.
Waxaa uu dhanka kale ammaanay waxqabadka maamulka NMS ee uu hoggaamiyo Maxamad Badi.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulkan uu toddobaadyada soo socdo Nairobi ka furi doono 7 isbitaal oo ay shacabka ka helayaan adeegyada caafimaadka.
Mike Sonko ayaa sheegay in Madaxweyne Kenyatta uusan ka dhigin guddomiyaha ismaamulka Nairobi islamarkanaa ay soo doorteen shacab ku dhaw hal milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here