Ugu yaraan 200 oo qof oo lagu dilay Qaza 12-kii sac ee la soo dhaafay

0
93

Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo qof oo Falastiniyiin ah lagu dilay weerarada cirka ee ciidamada Israa’iil.
Waxaa ay intaas ku dartay in dadka geeriyooday ay u badan yihiin haween iyo caruur.
Kooxaxa Xamaas iyo kuwa Jihaad doonka ee Falastiin ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay weeraro khiyaano ah ay ku qaaday dadka rayidka ah taas oo lagu carqaladaynaayo heshiiska xabad joojinta ee Qaza.
Dhanka kale jeneral Alexus Grynkewich, ayaa sheegay in duqeymaha Mareykanka ee Yemen ay ku dileen tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanada Xuuthiyiinta.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF, ayaa carabka ku dhufatay in ugu yaraan laba carruur ah, oo da’doodu tahay lix iyo siddeed jir, ay ka mid yihiin dadka dhintay.
Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalada Sanca ee dalka Yemen si ay u taageeraan Xuutiyiinta oo wacad ku maray inay ka jawaabi doonaan weerarrada Mareykanka, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Iran ay la kulmi doonto cawaaqibka ka dhalan kara haddii ay xuutiyiinta weerar ku qaadaan maraakiibta Israa’iil xiriirka la leh.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 48,572 qof lagu dilay dagaalka Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii halka 112,032 kale oo Falastiniyiin ah lagu dhaawacay.
Xafiiska warbaahinta ee dowladda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, iyaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.