Dr. Raymond Omollo oo ku baaqay in la soo afjaro colaada Kuria iyo Kipsigis

0
123

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha dalka Dr. Raymond Omollo ayaa ballan qaaday in uu xal waara u heli doono isku dhacyada qowmiyadeed ee u dhaxeeya beelaha Kuria iyo Kipsigis ee ku teedsan xudduudaha ismaamullada Migori iyo Narok.
Xoghayaha ayaa booqasho lagu qiimaynayay sida ay u socdaan mashaariicda muhiimka ah ee dowladda ee deegaanka Kuria ku soo bandhigay saamaynta taban ee xasillooni-darrada ka jirta gobolka, taas oo horseeday horumar la’aan iyo burbur hantiyeed labadaba.
Omollo ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay qorshayaal horumarineed ku fidiso deegaanada fogfog ee gobolka, isaga oo ku adkeystay in aysan cabsi gelin doonin dagaallada socda.
Xoghayaha ayaa waxaa booqashada ku weheliyay barasaabka ismaamulka Migori Ochillo Ayacko iyo Senatarka Migori Eddy Okech, kuwaas oo labaduba ku baaqay xabbad joojin degdeg ah si loo soo afjaro colaadaha qowmiyadeed ee tobanka sano socday.
Guddoomiye Ayacko ayaa tilmaamay in dad badan ay ku naf waayeen, qoysas badanna ay ku barakaceen sababo la xiriira isqabqabsi dhul oo muddo soo jiitamayay.
Waxaa uu ku baaqay in xal waara laga gaaro maadaama xiisadahaasi ay caqabad ku yihiin horumarka gobolka.
Dr. Raymond Omollo ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda dhexe ugu heelan tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kordhinta helitaanka biyaha, iyo wadista horumarka ballaaran ee dalka oo dhan.