Baadari ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Gatundu oo damiin lacageed oo dhan 2 milyan lagu soo daayay

0
243

Baadari ka soo jeeda Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu ayaa lagu sii daayay lacag dhan 2 milyan oo shilinka dalka kadib markii uu iska fogeeyay eedeeyo dil ah oo lala xiriiriyay.
Patrick Kagunda Karanja, oo ka soo hor muuqday garsooraha maxkamada sare Florence Muchemi, ayaa lagu eedeeyay inuu dilay Francis Gichini 3-dii bishii Febraayo ee sanadkan.
Qareenada difaaca Mr. Kagunda oo uu hogaamiyo Ndegwa Njiru, ayaa si guul leh ugu dooday shuruudo dammaanad ah, iyaga oo ku andacooday in Kagunda uu xirnaa iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin muddo dheer.
Waxaa ay sidoo kale xasuusiyay maxkamada in Kagunda loo qaatay in uusan wax dambi ah galin ilaa lagu cadeeyo dambiga.
Qareenada Xeer-ilaalinta oo ay hogaaminayso la-taliyaha Xeer-ilaalinta Esther Torosi, iyo wakiilada dhibbanaha, oo ay hoggaamiso Karuku Wachira ayaa ka soo horjeestay codsiga dhammaanada.
Waxaa ay walaac ka muujiyeen in haddii Kagunda la sii daayo, laga yaabo inuu farageliyo marqaatiyaal iyo caddeymo.
Kooxda xeer ilaalinta ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay ammaankiisa, iyaga oo sabab uga dhigay cadaawadda shacabka ee ka jirta tuulada uu ku dhashay ee Ituuru, taasoo halis gelin karta naftiisa haddii la sii daayo.
Inkasta oo dacwad oogayaasha ay diidanaayeen, haddana Garsoore Muchemi ayaa uu ogolaatay codsiga dhammaanada iyadha oo Kagunda ku sii daaysay lacag dhan 2 milyan.
Waxaa kale oo ay amartay inuu ku sii jiro xabsiga Nairobi ilaa dammaanadda laga soo gudbinaayo.
Kiiska ayaa ayaa la dhageysan doonaa 25-ka bishan Maarso.