Madaxa golaha wasiirada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu hormarinayo ajendaha haweenka ee Kenya iyo guud ahaan caalamka iyadoo maanta dalka laga xusayo maalinta Haweenka Adduunka.
Mudavadi oo ka hadlay munaasabada xuska maalinta haweenka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dadaal wadajir ah oo wax looga qabanayo sinnaan la’aanta jinsiga iyo in la hubiyo in haweenku ay udub dhexaad u yihiin horumarka dhaqan-dhaqaale.
Waxa uu ku booriyay cid kasta inay ka qayb-qaataan xushmada haweenka iyo mida noloshooda, isagoo ugu baaqay shacabka inay farxada la wadaagaan hooyooyinka, xaasaska, walaalaha, iyo gabdhaha meel kasta oo ay joogaan.
Waxa uu carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay isku xirka jinsiga, nabadda, iyo amniga, isagoo xusay in haweenku ay hormuud u yihiin xaqiijinta hadafyada bulshada, gaar ahaan xallinta khilaafaadka iyo nabadeynta.