Moses Kuria oo difaacay caymiska SHA

0
539

Moses Kuria oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha dalka ee arrimaha dhaqaalaha ayaa difaacay caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu sheegay in aynan sax ahayn in dowladdu aynan maamulin macluumaadka caymiskan.
Tani ayaa timid ka dib markii warbixin ka soo baxday xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka lagu sheegay in dowladad ay 104.9 bilyan oo shilin ku maalgelisay nidaamkan iyadoo aan si buuxda u qiimeyn qodobbo ka mid ah qandaraaska.
Moses Kuria ayaa sheegay in macluumaadkan uu gacanta ku haya maamulka caafimaadka casriga ah oo aan dibadda lagu kaydin.
Waxaa uu sheegay in warbixinta hanti dhowaraha guud ee Kenya aynan noqon karin mid dhameystiran ilaa uu baarlamaanka qiimeyn ku sameeyo.