1,356 qof oo laga soo xulay codsiyadii ay kenyaanka soo gudbiyeen ee xilalka IEBC

0
560

Guddiga qaabilsan shaqaaleysiinta saraakiisha sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka (IEBC) ayaa shaaciyay inuu soo xulay 1,356 ruux oo ka mid ah dadkii codsiyada soo dirsaday.
Guddoomiyaha guddigan Dr. Nelson Makanda ayaa sheegay in 37 qof ay ku tartami doonaan jagada guddoomiyaha IEBC halka 1,319 kale ay loollan ugu jiraan xubnaha guddiga.
37-da qof ayaa isugu jiro 31 rag ah iyo 6 haween ah iyadoo 3 ka mid ah dadkan ay yihiin kuwa qabo baahiyaha gaarka ah.
27-kii bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu soo magacaabay Dr. Makanda iyo mas’uuliyiinta kale .
Waxaa codsiyada oo xirmay 15-kii bishii hore soo gudbiyay dad dhan 1,848 .
Guddiga ayaa xusay in dib u eegis uu sameeyay ka dib uu soo xulay 1,356 kenyaan ah la sii kala saari doono.