Kiisaaska Tahriibka dallinyarada oo walaac ka dhex dhaliyay bulshada Garissa.

0
475

Waxaa baryahan dambe sii badanaayo tahriibinta dallinyarada laga ballan qaaday in la geynaayo waddamada galbeedka si ay noolal wanaagsan uga helaan.
Arrintan ayaa walaac ka dhex dhalisay wax garadka ismaamulka Garissa iyada oo dallinyarada inta badan la qaado la mariyo saxaraha ee dalka Libya halkaas oo ay magafe gacan u galaan kadibna lacag madax furasho ah laga qaato.
Sida laga soo xigtay warbihinta ay ka soo saareen ciidamada booliiska Libya howlgal ay ka fuliyeen goob ka mid ah goobaha magafayaasha ay isticmaalaan ee ku yaalo saxaraha dalkaas dhawayaaqadii sanadkii hore ayaa waxaa lagu sheegay in toboneyo ruux oo lagu dhuugay saxaraha laga soo helay.
Arrintan ayaa cadeynayso in cidii sharuuda madax furashada ka soo bixi wayso nafta la dhaafinaayo.
Intaas waxaa dheer in qofka si waalidiintiisa madax furasho looga qaato la jir dilo kadibna qoyskiisa loo soo diro muuqaaladiisa asaga oo la ciqaabaayo.
Dhallinyaradan ayaa inta badan shaqa laan u geeysay inay u tahribaan dalalka galbeedka si ay noolashooda u horimariyaan.
Hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM ayaa soo qaban qaabisay kulan ay hoggaamiyayaasha ismaamulka Garissa ay ku boorinayeen waalidiinta inay ka ilaaliyaan caruurtooda arrinta Tahriibka.