4 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Londiani-Muhoroni

0
155

Waxaa la xaqiijiyay in afar qof ay ku dhinteen halka 56 kalena ay ku dhaawacmeen shil laga soo tabiyay waddada xiriirisa magaalooyinka Londiani iyo Muhoroni oo ka kala tirsan ismaamullada Kericho iyo Kisumu.
Shilka ayaa dhacay abbaare 9.30 fiidnimo ee xalay wuxuuna u dhexeeyay bas rakaab siday oo ku soo wajahnaa Nairobi iyo baabuur xamuul oo u jeeday dhanka Muhoroni.
Warbixinta booliiska ayaa lagu sheegay in baska uu waddada ka baxay oo ay gaariga xamuulka isku dhaceen.
Waxaa isla goobta uu shilka ka dhacay ku nafwaayay rakaab isugu jira hal qof oo rag ah iyo saddex haween ah.
56-da qof ee dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada St. Vincent Mission Hospital, Koru Mission Hospital iyo midka degmada Muhoroni si loo daaweeyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii dambe 4 ka mid ah dhaawaca loo sii wareejiyay isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital (JOOTRH) ee Kisumu si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeri ah.
Meydadka kuwa geeriyooday ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka St. Vincent de Paul .