Garsoorayaasha maxkamadda Supreme Court oo maxkamadda sare u gudbiyay dacwado

0
310

Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sarreysa dalka ayaa billaabay dadaallo ay ku doonayaan inay ugu dagaallamaan badbaadadooda iyagoo adeegsanaya codsiyo isdaba joog ah oo lagu joojinayo xil ka qaadistooda ka dib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo dhaqan xumo.
Codsigii ugu dambeeyay ayaa waxaa maxkamadda sare u gudbisay garsoore Njoki Ndung’u oo dooneysa in guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) laga joojiyo inuu sii wado dacwadaha ay ka gudbiyeen wasiirkii hore Raphael Tuju iyo madaxii hore ee ururka qareennada Kenya ee LSK Nelson Havi.
Garsoore Njoki Ndung’u ayaa sheegtay in dacwadaha la horgeynayo JSC ay ku lug leeyihiin arrimo maxkamadda hor yaalla ama hadda ka hor la xalliyey, taasoo ka dhigaysa kuwo khaldan haraac ahaan.
Tani ayaa imaanaysaa wax yar kadib markii madaxa cadaalada dalka Martha Koome ay sidoo kale ka codsatay maxkamadda sare inay hakiso dacwad kasta oo kale oo la xiriirta cabashooyinka.
Waxay Koome ku doodaysa in JSC aysan lahayn awood dastuuri ah oo guddigan uu ku tixgelin karo cabashooyinka ka dhanka ah iyada mise garsoorayaasha kale ee maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court.