Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Batroolka ee dalka James Opiyo Wandayi ayaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha waddanka ku eedeyay guul darradii Raila Odinga uu kala kulmay doorashadii guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da.
Wandayi ayaa xusay in dabbaaldag ay sameeyeen qaybo ka mid ah Kenyaanka ka dib doorashadaasi oo ay Kenya ku guul darreysatay ay ku ogaadeen saaxiibbadooda dhabta ah.
Wasiirka ayaa ku dooday in iyadoo madaxweyne William Ruto uu ku mashquulsanaa u ololeynta Mr. Odinga sidii uu ugu soo bixi lahaa kursiga AUC-da, in qaar ka mid ah madaxda dalka ay sameeyeen olole looga soo horjeedo Raila .
Opiyo Wandayi ayaa hadalkan ka sheegay xarunta Jaamacadda Odera Akang’o oo ay ka socotay xaflad lagu aasayay Prof. Bethwell Ogot taasoo ka dhacday Gem, deegaanka Yala ee ismaamulka Siaya.
Dhinaca kale, barasaabka Kisumu Prof. Peter Anyang’ Nyong’o ayaa ka codsaday dowladda inay ku dadaasho wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dadka Kenyaanka ah.
Waxaa uu sheegay in xisbiga ODM uu u istaagay oo kaliya sidii loo badbaadin lahaa dowladda Kenya Kwanza oo qarka u saarneyd inay burburto kadib kacaankii dhallinyarada Gen Z balse aysan u fariisan karin inay daawadaan iyagoo ka gaabinaya inay wax ka qabtaan arrimaha dhibaatada ku haya shacabka.
Guddoomiyaha Kisumu ayaa sheegay in ODM ay gacan ka gaysatay xasilloonida dalka intii ay socdeen dibadbaxyada dowladda looga soo horjeeday balse aysan diyaar u ahayn inay sii wadaan haddii dowladda aysan dhageysan karin baahida shacabka Kenyaanka.
Dhankiisa barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa carrabka ku dhuftay in xaqiiqada ah in qaar ka mid ah xubnahooda ay ku jiraan dowladda aysan ka hor istaagi karin inay muujiyaan wax-qabad la’aanta maadaama ay sugayaan xilliga xisbiga ODM uu la wareegaya maamulka dowladeed.