Waxaa uu qorshuhu yahay in ururka Xamaas ee dalka Falastiin uu Israa’iil ku wareejiyo meydadka 4 ruux oo ka mid ah maxaabiistii ay gacanta ku dhigeen.
Meydadkan waxaa ka mid ah xubnaha qoyska Bibas ee magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza.
Maamullada Qaza ayaa dhanka kale Israa’iil ku eedeynaya in ay hor istaagtay in gargaar baniaadannimo la geeyo Qaza sidii lagu ballan qaaday wajiga koowaad ee heshiiskii xabbad joojinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasaaradda caafimaadka ee Qaza ay sheegaysa in duullaanka Israa’iil lagu dilay ugu yaraan 48,297 oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 111,733 kale.