Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Baarlamaanka dalka oo ansaxiyay in Martha Koome ay noqoto madaxa cadaaladda

DHAGEYSO:Baarlamaanka dalka oo ansaxiyay in Martha Koome ay noqoto madaxa cadaaladda

Xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa maanta yeeshay kal-fadhi ay ku ansaxiyeen in garsoore Martha Koome ay noqoto madaxa cadaaladda ee Kenya.
Waxaa ay mudanayaasha tixgeliyeen warbixin uu soo gudbiyay guddiga baarlamaanka ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda ka dib turxaan bixin toddobaadkii hore lagu sameeyay xaakinka oo loo soo xushay in ay noqoto madaxa cadaaladda ee dalka.
Guddiga JLAC ee uu hoggaamiyo Muturi Kigano ayaa warbixintiisa ku sheegay in Mrs. Martha Koome ay u qalanto in ay buuxiso jagadii uu baneeyay David Maraga.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii uu howlgab noqday David Maraga oo afar sano hoggaaminayay waaxda garsoorka ee Kenya.
Guddoomiyaha baarlamaanka Mr. Justin Muturi ayaa isugu yeeray kulanka lagu ansaxiyay magaca Koome.
Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka waqooyiga Kuresoi Moses Kipkemboi Cheboi ayaa sidatan ugu dhawaaqay ansaxinta baarlamaanka ee Martha Koome

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa haweeneydan ku boorriyay in ay ku dadaasho ilaalinta madax bannaanida waaxda cadaaladda ee dalka oo aynan u nuglaan cadaadiska ay suuragal tahay inuu kaga yimaado dhinacyo kala duwan.
Sidoo kale Martha Koome ayaa lagula taliyay in ay diiradda saarto dhameystirka waxyaabaha aan u qabsoomin garsoorka wadanka.
Waxaa magaceeda loo gudbinayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta si uu si rasmi ah ugu magacaabo xilkan, loogu dhaariyo ugu dambeyna ay u noqoto haweeneydii ugu horreysay taariikhda dalka ee hoggaamiso waaxda cadaaladda.
Koome waxay leedahay 33 sano oo khibrad dhanka sharciga ah waxaa uuna guddiga adeegga garsoorka ee JSC ka soo xushay 10 qof oo la turxaan bixiyay.
Martha Koome oo horay u difaaci jirtay xuquuqul aadanaha ayaa waaxda garsoorka ee dalka ku biirtay sanadkii 2003-kii .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments