Wasaaradda caafimaadka oo sare u qaadday kormeerka ka dhanka ah Ebola

0
200

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in la xoojiyay kormeerka iyo baaritaannada laga sameynaya meelaha waddanka laga soo galo.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in dalal Kenya daris la ah ay ka dillaaceen cudurrada Ebola iyo Marburg.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni ayaa sidoo kale sheegtay in kormeerka iyo baaritaannada la doonaya in lagu xakameeyo furuq-daanyeerka MPox.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Kenya laga xaqiijiyay 41 kiis oo ah kuwa Mpox.
Xoghayaha oo shacabka kula hadlaysay deegaanka Gichugu ee ismaamulka Kirinyaga ayaa sheegtay in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka dadweynaha.
Waxay sheegtay in cudurka Ebola laga soo tabiyay dalka Uganda halka caabuqa Marburg laga xaqiijiyay Tanzania.