Golaha wasiirrada oo ansixiyay qorshaha miisaaniyadda ee sanadkan

0
387

Golaha wasiirrada dalka oo yeeshay kal-fadhi uu guddoominayay madaxweynaha waddanka William Ruto ayaa ansixiyay siyaasadda la xiriirta miisaaniyadda dhaqaale ee sanadka 2025/2026-ka.
Waxaa sharraxaaddan lala wadaagi doonaa baarlamaanka iyadoo qiimaha miisaaniyad sanadkeedkan lagu jaangooyay 4.2 Tiriliyoon oo shilin.
3.09 Tiriliyoon oo shilin oo lacagtan ka mid ah ayaa lagu bixin doonaa qarashaadka howlaha dowladda , 725.1 bilyan waxaa loogu talagalay horumarka ,436.7 bilyan oo shilin waxaa lagu wareejin doonaa ismaamullada halka 5 bilyan lagu dabbari doono waxyaabaha degdegga ee soo kordha.
Hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga qaran ayaa qeexaya in labada heer ee dowladda ay qaybsadaan 2.8 Tiriliyoon oo shilin iyadoo 405.1 bilyan oo lacagtan ka mid ah loo qoondeynaya ismaamullada.
Sidoo kale waxaa sanduuqa deegaannada dalka la iskula simo dhanka horumarka ee loo yaqaano Equalization Fund loo qoondeeyay 10.6 bilyan oo shilin.
Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa looga fadhiyaa inuu sida ay tahay ku meel mariyo soo jeedinta wasaaradda maaliyadda mise uu isbeddel ku sameeyo.
Kulanka golaha wasiirrada ee dalka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay qorsho ballaaran oo lagu wanaajinaya adeegyada gagida caalamiga ee diyaaradaha ee (JKIA) ee magaalada Nairobi iyo xoojinta amniga garoonka.
Waxaa isbeddellada ka mid ah in dhammaan muwaadiniinta Afrika laga cafiyo oggolaanshaha casriga ah ee safarrada ee (ETA) iyo fududeynta isku socodka gudaha dalalka Afrika.
Sidoo kale , waxaa laba jibbaar laga dhigi doonaa tirada xarumaha iyo shaqaalaha waaxda socdaalka iyadoo la adeegsanaya siyaabo lagula xisaabtamaya shaqaalaha garoomada diyaaradaha.
Waxaa dayactir ballaaran lagu sameyn doonaa kaabayaasha garoonka diyaaradaha ee JKIA.
Dhanka kale , golaha wasiirrada ee Kenya ayaa meel mariyay heshiisyo lala galay machadka caalamiga ee dimuqraadiyadda iyo tageeridda doorashooyinka, hay’adda badbaadada caruurta ee Save the Children, midda samafalka ee Oxfam, NRC, Hay’adda caalamiga ee Population Services International iyo kuwo kale.
Sidoo kale , waxay ansixiyeen dhaqangelinta heshiiskii Kenya iyo Singapore ee meesha ka saaraya in badeecooyinka labo mar canshuuro.