Dowladda dalka Masar ayaa sheegtay in qorshaha Donald Trump ee malaayiin Falastiiniyiin ah looga barakicinaya Qaza uu yahay mid hurin kara colaadda.
Boqortooyada Jordan ayaa dhankeeda ka digtay in qalalaasaha uu ku sii fidi karo gobolka Bariga Dhexe.
Waxay intaasi ku dartay in arrinta uu Donald Trump dhawaan shaaciyay ay khatar ku noqonaysa nabad galyada Jordan kala dhexeysa Israa’iil.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhanka kale sheegay in Israa’iil ay Qaza ku wareejin doonto xukuumadda Washington marka uu dagaalka soo gabagaboobo oo dadka ku sugan Qaza meel kale la geeyo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil ,Israel Katz uu sheegay inuu ciidamada militariga ku amray in ay dejiyaan qorsho si aan qasab ahayn Falastiiniyiinta looga saaraya Marinka Qaza.
Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa laga soo xigtay in Israa’iil ay dishay 47,583 qof halka ay dhaawacday 111,633 ruux oo kale tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii.