Gabadh yar oo 7 sano jir ah ayaa geeriyootay kadib markii uu sumeeyay aabaheed.
Waxaa la sheegay inuu isugu daray batrool iyo kiimiko kale oo aan la aqoonsan kadib markii ay is afgaran waayeen xaaskiisa hore.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Minyere ee degmada Ndhiwa ee ismaamulka Homa Bay.
Meydka Grashines Lovely Odongo, oo ah ardayad dhigata fasalka labaad ee dugsiga Minyere Comprehensive School, ayaa waxaa gurigooda ka helay qof qaraabo ah oo soo booqday subaxnimadii Talaadada.
Waxay la noolayd aabaheed iyo walaalkeed ka dib markii waalidiinteeda ay kala tageen saddex bilood ka hor.
Sida laga soo xigtay ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka, Javana Abuto, gabadha ayaa markii ugu dambeysay la arkay iyadoo aabaheed la joogto guriga.
Abuto ayaa xusay inay xogta ka heleen walaalkeed ka yar oo sheegay in aabahood uu sumeeyay gabadha.
Guddoomiye xaafadeedka ayaa intaasi ku daray in gabadha la faraxumeeyay, kadibna ay miyir doorsoontay, kadibna uu aabaheed sumeeyay.
Taliyaha booliiska ee degmada Ndhiwa John Losia, oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in inanta yar ubur afka ka soo burqaneysay dhacdada ka dib.
Waxaa uu intaasi ku daray inay booliiska raadinayaan aabahaasi oo baxsaday kadib markii uu falkaasi dhacay.
Maydka gabadha ayaa loo qaaday goobta maydadka ee Manyatta Kobodo si qalliin baaritaan ah loogu sameeyo.