In ka badan 700 oo kiis oo maamul xumo ah oo ay sameyeen saraakiisha garsoorka dalka

0
106

Waxaa 5-tii sano ee la soo dhaafay waaxda garsoorka dalka la sheegay in ay sameysay in ka badan 700 oo kiis oo maamul xumo ah iyadoo boqolkiiba 60 ee kiisaskaasi aan wali la xallin.
Sida laga soo xigtay guddiga maamulka cadaaladda ee diiwaangeliya cabashooyinka ka dhanka ah garsoorayaasha, dhacdooyinkan ayaa la xiriira dhaqan xumo, laaluush iyo ku takrifal awoodeed.
Warbixinta ayaa sidoo kale shaaca ka qaadday in 398 kiis oo u dhiganta boqolkiiba 57 la sugayo in amarro laga soo saaro halka 302 oo u dhiganta 43 boqolkiiba la xalliyay.
Intaasi waxaa dheer 449 kiis oo dib u dhac ah iyada oo 91 ka mid ah loo aaneynayay waxqabad la’aan.
Guddiga maamulka cadaalada ayaa sidoo kale rajo xumo ka muujiyay sida ay u maareeyeen arrintan guddiga adeegga Garsoorka (JSC).
Guddoomiyaha guddiga maamulka cadaalada Charles Dulo ayaa bayaan ku sheegay in ay si rasmi ah warqad ugu qoreen guddiga adeegga Garsoorka balse loo sheegay inaysan awood u lahayn inay wax ka weydiyaan cabashooyinka la soo gudbiyay.