Kindiki oo shacabka ugu baaqay in ay si cadaalad ah u qiimeeyaan waxqabadka William Ruto

0
260

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa dadweynaha iyo siyaasiyiinta ku boorriyay in qiimeynta ay ku sameynayaan waxqabadka maamulka madaxweyne William Ruto ay noqoto mid cadaalad ah.
Xilli uu hooygiisa xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi kula kulmay hoggaamiyaasha dowlad deegaanka Samburu ayuu Kindiki sheegay in ay hayaan waddada lagu fulinaya ballan qaadyadii siyaasadeed.
Waxaa uu ku celceliyay in waxqabadka madaxweyne William Ruto la qiimeyn karo keliya marka uu dhameysto muddo xileedkiisa shanta sano ah.
Waxaa uu xusay in lagu guulaysan doono dhammaan ballan qaadyadii maamulka Kenya Kwanza sidaasi awgeedna hoggaamiyaha qaranka uu u baahan yahay in fursad buuxda la siiyo.
Kindiki ayaa tilmaamay in qiimaha sicirka oo horay ahaa boqolkiiba 9 hoos loo dhigay oo uu yahay 2.7 boqolkiiba halka la xasiliyay qiimaha shilinka dalka marka lagu sarrifo lacagaha qalaad.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa siyaasiyiinta ismaamulka Samburu ku bogaadiyay sida ay isugu xiran yihiin oo ay uga wada shaqeynayaan wax u qabashada shacabka.

Waxaa uu dhanka kale ka hadlay farqiga u dhexeeya siyaasadda dalalka horumaray iyo kuwa uu dhaqaalahoodu soo kobcaya isagoo xusay in aan loo baahnayn in muddo badan lagu mashquulo arrimo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xigta iyo shakhsiyaadka qaban doono xilalka hoggaamineed.