Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi ayaa sheegay in guddiga qaabilsan maareynta deymaha uu ansixiyay in lacag dhan 206 bilyan oo shilin lagu bixiyo deymaha dowladda lagu leeyahay.
Waxay tani qayb ka tahay amaah dhan 663 bilyan oo shilin oo ay qandaraasleey ku leeyihiin dowladda ka dib markii ay u fidiyeen adeegyo kala duwan.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in dowladdu ay ku dadaalaysa sidii aan canshuur dheeraad ah loo saari lahayn dadka shaqeeya si uunan hoos ugu sii dhicin mushaarkooda.
Guddiga ansixiyay bixinta lacagtan ayaa loo xil saaray inuu baaritaanno dabagal ah ku sameeyo deymaha lagu yeeshay dowladda intii u dhexeysay sanadkii 2005 ilaa 2022-kii.