Madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhiggiisa Masar Cabdel-Fataax El-Sisi ayaa wada saxiixday heshiisyo istaraatiiji ah oo ay dowladahooda iskaga kaashanayaan arrimo kala duwan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay sare u sii qaadi doonto xiriirka ka dhexeeya labada waddan.
Waxaa uu tilmaamay in tallaabadan ay muhiim u tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee Kenya iyo Masar ka dhexeeyay muddo 60 sano ah.
Safarka uu madaxweyne William Ruto ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa lagu saxiixay 12 heshiisyo ah oo la xiriira ganacsiga, maalgashiga , waxbarashada , cilmi baarista, isbeddellada tiknolojiyadeed, wada tashiyada siyaasadeed, tababarrada dibloomaasiyadeed ee adeegga dibadda iyo sinnaanta jinsiyadeed.
Dowladaha Kenya iyo Masar ayaa sidoo kale isku afgartay in ay ka wada shaqeeyaan awoodsiinta dhallinyarada, maamulka , horumarka waara , arrimaha hawada sare , guriyeynta, dhismaha iyo horumarinta magaalooyinka waawayn.
Madaxweyne William Ruto iyo dhiggiisa Masar Cabdel Fatax El-Sisi oo warbaahinta si wadajir ah ula hadlay ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan wada hadallada lagu soo gabagabeynaya heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan kastamka, nabadgalyada, dalxiiska, macdanta, kheyraadka badda , biyaha iyo horumarinta cayaaraha.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale ku baaqay in la soo dhiso golaha iskudhafka ah ee ganacsiga ee labada waddan si looga faa’iidaysto fursado dheeraad ah.
Waxaa uu sheegay in isaga iyo madaxweynaha Masar ay ka wada hadleen sida meesha looga saari karo caqabadaha dhanka ganacsiga iyadoo la is waafajinaya xeerarka kala duwan.
Waxaa uu dhiggiisa Masar uga mahadceliyay dadaallada ay dowladiisa ku bixiso arrimaha nabadgalyada ee Bariga Dhexe, Soomaaliya iyo Suudaan.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay baahida loo qabo in isbeddel lagu sameeyo Midowga Afrika.