In ka badan 700 qof oo codsaday afarta boos ee ka bannaan guddiga IEBC

0
422

Guddiga xulashada ayaa sheegay in Kenyaan ka badan 700 ay soo codsadeen afarta jaga ee ka bannaan ee guddiga madaxa banaan ee doorashada iyo xaduudada dalka ee IEBC.
Guddomiyaha guddiga Dr. Elizabeth Muli, oo saxxaafada la hadashay ayaa sheegtay in wakhtiga kama dambeysta ahaa ee codsiyada la soo gudbinayo ay ahayd Isniinta, islamarkana haatan ay isku uruurinayaan magacyada si ay u daabacaan.
Guddigan oo 7 xubnood ka kooban ayaa waxay qabsadeen wakhti ciriiri ah, balse guddomiyaha ayaa sheegeysa inay doonayaan in wakhtigaas ilaaliyaan maadama ay la tacaalayaan arrin degdeg ah.
Deg degsiinada arrintan ayaa imaaneysa ka dib markii shan garsoorayaal oo ka tirsan maxkamadda sare ay sheegeen in sida uu guddiga IEBC u dhisanyahay ay tahay mid sharci darro ah.
Guddiga ayaa sheegay inay rajeynayaan inay ugu dambayn 9-ka bisha nagu soo aadan ee Juun ay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u gudbiyaan kuwa u qalmo inay buuxiyaan xilalkas.