ODM oo ku guulaysatay kursiga deegaanka Bonchari ee Kisii

0
242

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa shaaciyay in Omeke Robert Obwoto oo ah musharax matalayay xisbiga ODM uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday deegaanka Bonchari ee ismaamulka Kisii.
Waxaa uu helay codad gaaraya 8,049 halka Zebedeo Opore oo ka tirsan Jubilee uu soo hooyay 7,279 oo codad ah.
Waxaa nambarka saddexaad soo gashay Teresa Oroo oo matalaysay xisbiga UDA waxayna heshay 6,964 oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.
Kursi baarlamaneedka Bonchari ayaa bannaanaday ka dib geeridii bishii labaad ee sanadkan ku timid Oroo Oyio oo ka tirsanaa golaha qaran ee xeer dejinta.
Xisbiga ODM ayaa bayaan uu soo saaray ugu hambalyeeyay Omeke Robert .
Waxaa uu xisbigu sidoo kale u mahadceliyay dhammaan taageerayaashiisa , madaxda siyaasadeed, dhallinyarada iyo wakiillada si dhow ula socday codeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here